Haddii ay wada shaqayn sirdoon dhex marto Somaliland iyo Israa’iil, waxay diiradda saari kartaa xoojinta amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo ka hortagga khataraha amni ee casriga ah sida weerarrada cyber-ka. Israa’iil oo ka mid ah waddamada ugu khibradda badan dunida ee dhinaca sirdoonka ayaa Somaliland ka caawin karta tababarro, teknoolajiyad casri ah iyo xog-wadaag amni.Somaliland,

oo ku taalla marin badeed istaraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, waxay Israa’iil u noqon kartaa lamaane amni oo muhiim ah Geeska Afrika. Falanqeeyayaal amni ayaa sheegaya in iskaashi noocan ahi uu kor u qaadi karo xasiloonida, isla markaana uu Somaliland siin karo miisaan siyaasadeed iyo kalsooni caalami ah oo dheeraad ah.

Gunaanad Somaliland ma la odhan karaa wey ka fa.ideesan doonta aqoonsiga mise wey ku fashilmi doontaa

